Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Wasiirada Wasaaradahaas laga doonayaa in wax laga weydiiyo xaaladaha Dalka uu haatan kujiro.
Baarlamaanka Soomaliya ayaa mudooyinkan waday la xisaabtan Xukuumada iyo Su'aalo weydiinta waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay jirtay, waxaana uu Baarlamaanka dhowana Su'aalo weydiiyay Raysal Wasaaraha.
Wasaaradaha Gaashaandhiga oo ku shaqa leh arimaha Ciidamada iyo Amaanka Gobolada Soomaaliya ayaa la filayaa in wax laga weydiiyo xaaladaha Amaanka ee Gobolada Dalka iyo inta Ciidan ee u diiwaangashan Wasaarada.
Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha oo ku shaqa leh xaaladaha guud ee Dalka, sida Amaanka howlaha Ciidanka Booliska iyo Maamulada Dalka ayaa iyana wax laga weydiindoonaa howlahii ay qabatay iyo sababta ay wali Maamulo ugu dhisi la'dahay deegaanada aan weli Maamulka loo sameynin.
Baarlamanka oo mudooyinka u muuqda mid boorka iskajafay habacsanaantii lagu soo eedeeyay Bilooyin ka hor ayaa wajihi doonaa dhowaan arrimaha dhaqaalaha Dalka iyo xaaladaha sicir bararka ee Dalka la soo gudboonaaday.